Hagaajinta (kor u qaadida) daryeelka caafimaad ee halka ay iska-saameeyaan jinsiga iyo barakaca daba-dheeraada ee qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo Koongoliiska.

Ku saabsan

DiSoCo waa mashruuc ku wajahan Barakaca Daba-dheeraada (Barakaca Muddada dheer jira) oo uu maalgelinayo Santuukha Cilmi Baarista Caqabadaha Dunnida (Global Challenge Research Fund) oo ujeedadiisu tahay inuu ka caawiyo dadka barakacayaasha ah ee Soomaalida iyo Koongoliiska ah in ay helaan daryeel caafimaad oo ku habboon xaaladaha caafimaadka maskaxda ee ka yimaada barakaca daba-dheeraada, dagaalada iyo xadgudubka ku saleysan jinsiga. 

DiSoCo waa mashruuc balaaran oo goobo badan laga hirgelinayo diiraddana saaraya dadka Soomaalida iyo Koongoliiska ah ee ku barakacay gudaha dalalkooda Soomaaliya iyo Bariga Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Koongo (JDK) iyo Soomaalida iyo Koongoliiska qaxootiga iyo magangelyo-doonka ah ee ku sugan Kenya iyo Koonfur Afrika.

Hawl-wadeenada DiSoCo waxay si wadajir ah isugu keenayaan cilmi-baarayaal iyo xirfadleyaal aqoon u leh horumarinta caalamiga ah, daraasadaha socdaalka ama hayaanka, daraasadaha jinsiga, cilmiga barashada dadka & dhaqamadooda caafimaad, caafimaadka bulshada iyo siyaasadda caafimaadka iyo cilmiga sayniska caafimaadka si loo sameeyo cilmi-baaris eedaab ama mowduucyo badan isugu jirta oo ku saabsan xaaladaha barakaca daba-dheeraada.

Khabiiro ka tirsan Panzi Foundation (JDK), ARQ International (Nederlaandhis), iyo Jaamacadda Queen Margaret (Boqortooyada Ingiriiska - UK) ayaa taageeraya kooxaha cilmi barista ee ka kala socda:

  • Iskuulka Caafimaadka Bulshada ee Kinshasa (JDK) (DRC)
  • Jaamacada Efanjelikaalka ee Africa (JDK)
  • Machadka Cilmi-baarista Horumarinta iyo Falanqaynta ee Soomaaliya (SIDRA - Somalia)
  • Jaamacadda Caalamiga ah ee Amref (Kenya)
  • Jaamacadda Witwatersrand (Koonfur Africa)
  • Jaamacada Edinbara (Boqortooyada Ingiriiska - UK)
Decorative image: Somalia pots

Cilmi-baaris

DiSoCo wuxuu ka kooban yahay toddobo xirmo-shaqo oo mid walbaana ka hadlayso ujeeddo ka duwan:

Phase I (2020):

  • In la aqoonsado hannaanka siyaasadeed (habraac) iyo qaab dhismeedyada hadda jira ee lagu dabakhi karo xaaladaha kala duwan ee barakaca daba-dheeraada.
  • In la aqoonsado cudurada muhiimka ah ee aan wax laga qaban oo dhinaca maskaxda ee raagey (iyo xanuunada jirka ee la socda) oo xiriirka la leh ama ka yimaada barakaca, rabshadaha iyo dagaalada saamaynta ku leh jinsiga.
Research themes
Photo by: Madoda Mkhobeni

—————–

Home page main banner photo by: Madoda Mkhobeni

soSomali