Ku saabsan mashruuca

Caqabadaha 

Dadka barakacayaasha ah waxay la kulmaan carqalado badan markii ay daryeel caafimaad ka raadsanayaan goobaha barakaca daba-dheeraada ama muddada dheer jira, iyadoo natiijada ay noqoto in xaaladaha caafimaad ee muddada dheer jira badanaa magac-cuduro khalad ah loogu tilmaamo oo si khaldan loo daweeyo ama aan magac-cudurka la helin lana daaweyn. Baahiyaha daryeelka caafimaad ee jirka ee kediska ah ee ka dhasha dagaalada iyo rabshadaha saameynta ku leh jinsiga, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, waxay hadal hayn iyo fiiro gaar ah ka heleen xaaladaha barakaca daba-dheeraada.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha caafimaadka maskaxda ee raaga - sida cudurka isku buuqa ka yimaada dhacdooyinka mahadhada leh, murugada, walaaca iyo cudurada la qabsiga - waa kuwo la dayacay oo si degdeg ah ugu baahan wax ka qabasho. Weliba, xadgudubyada ku salaysan jinsiga iyo galmada ee ka dhanka ah ragga, wiilasha, iyo dadka loo aqoonsado inay yihiin labeebka (LGBTQI+) waa kuwo muddo dheer cilmi-baaris yari heysato. Sidoo kale dhibaatooyinka caafimaad ee dhinaca jirka iyo maskaxda ee muddada dheer jira waxay keeni karaan saameyn ama cawaaqib bulsho oo xun sida go'doomin, cidla uga tegid (cayrin) iyo awood ka qaadid, taasoo kordhin karta halista in ka badbaadayaashu (dhibanayaashu) ay ku lug yeeshaan xeelado nololeedyo halis ah oo ay ku jirto ka shaqaysiga galmada (ka ganacsiga jirka), taas oo kordhin karta in rabshado dheeri ah ku yimaadaan. 

Macnaha guud 

Bariga Koongo iyo dalka Soomaaliya labaduba waxay soo mareen dagaalo muddo dheer iyo barakac illaa iyo horraantii 1990-yadii, taasoo horseeday in dad aad u tiro badan noqdaan Dadka Gudaha Ku Barakacay (IDPs) oo dalalkooda ku dhex nool iyo qaxooti aad u tiro badan oo ku baahsan gobolka. Khilaafka iyo barakaca bariga Koongo iyo Soomaaliya waxaa lagu sheegaa inay sabab u yihiin tacaddiyada ku salaysan galmada iyo jinsiga ee aadka u sareeya, iyada oo dhibbanayaashana lagu takooro caadooyinka jira ee dhinaca jinsiga iyo galmada. Daraasaddaha caafimaad ee hadda la hayo waxay u muuqdaan kuwa diirada saara waxyeelada dhow ee ka dhalata xadgudubka halkii diirada laga saari lahaa xaaladaha caafimaadka maskaxda iyo jirka ee muddada dheer.

Goobaha 

Mashruuca DiSoCo waxaa laga hirgelinayaa sideed goobood oo ku yaal Bariga Koongo, Soomaaliya, Kenya iyo Koonfur Afrika. Afarta goobood ee barakacayaasha gudaha ayaa kala ah hal xero rasmi ah iyo hal degsiimo aan rasmi ahayn oo mid walba ku yaal Bariga Koongo iyo Soomaaliya, oo labaduba waxay leeyihiin nidaam caafimaad oo liita. Afarta goobood ee qaxootigu waa degsiimooyinka Koongoliiska iyo Soomaalida oo ku yaala Kenya iyo Koonfur Afrika, kuwaas oo leh nidaamyo caafimaad oo kala duwan iyo xeerar iyo habraacyo qaxooti oo kala duwan.

Ujeedooyinka mashruuca 

DiSoCo waxaa ujeedkiisu yahay in uu ka caawiso dadka Soomaalida ah iyo dadka reer Kongo ee ku barakacay gudaha Soomaaliya, bariga Koongo, Kenya iyo Koonfur Afrika inay helaan daryeel caafimaad oo ku habboon xaaladaha caafimaad ee maskaxda ee raaga ee la xiriira barakaca daba-dheeraada, dagaalada iyo tacadiyada ku salaysan galmada iyo jinsiga iyadoo:

  • La hagaajinayo ama kor loo qaadayo baaritaanka, bixinta and helista daryeel caafimaad oo ku wajahan cudurada aan wax laga qaban ee dhinaca jirka iyo maskaxda ee ka dhex jirta bulshooyinka barakacay.
  • La taageerayo horumarinta nidaamyo caafimaad oo adkeysi leh, wax qaban kara, loona dhan yahay kuwaas oo ugu dambeyn gacan ka geysta bulshooyin awood iyo soo dhoweyn leh.
  • La taageerayo abuuritaanka haykal iyo hay’addo awood siinaya bulshooyinka barakacayaasha ah markay raadsanayaan daryeel caafimaad.

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan email u dir Madaxa Baarista Laura.Jeffery@ed.ac.uk 

decorative image of laundy hanging out to dry
Photo by: Clayton Boeyink
decorative image of man crossing road
Photo by: Madoda Mkhobeni
decorative image of inside of appartment
Photo by: Madoda Mkhobeni

—————–

About page main banner photo by: Madoda Mkhobeni

soSomali